Wararkii ugu dambeeyay Gobolka Gobolka Galdaduud iyo Xiisad dagaal oo taagan

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan taahay Gobolkaasi, xili Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ahlu-sunna ay macquul tahay in saacadaha soo aaddan ay halkaasi ku dagaalamaan, sida ay soo sheegayaan dadka degaanku.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in hadda ay Ciidanku isku muuqdaan, waxaana ay ku sugan yihiin Wadada Balamballe ee Guri-ceel ka baxda, waxaana hadda xaaladdu ay tahay mid  cakiran.

Waxaa lasoo sheegayaa in labada dhinac ay sameeyeen diyaar garowgii ugu dambeeyay, waxaana saacad waliba la filan kara in dagaal uu qarxo.

Magaalada Gurceel ayaa ah haatan mid dadkii intoodii badnayd ay ka baxeen, kadib markii ay ka cabsaden in lagu dul dagaalamo, waxaana ay u baxeen Tuulooyinka hoos yimaada Magaalada.