Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Dagaalkii Ka Dhacay Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa Hada Dagen Mana Jirto Wax Rasaas ah oo Laga Maqlayo Gudaha Magaalada Kadib Dagaal Saaka Ka Dhacay Xaafada Nuur Xawaad ee Dhanka Bari Magaalada.

Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay  ayaa noo sheegay inay jiraan khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana uu ku geeriyooday hal qof, halka dad kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Ciidanka Jabhada Jeneraal Xuud oo markii horey weerar kusoo galay Baladweyne ayaa waxaa la tilmaamay inay dib uga laabteen halkaas, hayeeshee gudaha Magaalada laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.

Ciidankii Daacda u ahaa Gen Xuud ee Saaka aroortii Soo Galay Xaafda Nuur Xawaad ayaa ugu Danbeyn Laga Saaray Gudaha Magaalada.

Ciidanka Amaanka Ayaa Heegan Lagaliyay iyadoo ay Xireen Qaar Kamid ay Wadooyinka Goobihii Lagu Dagaalamay.