Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxa Gaalkacyo

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Qaraxa oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay banaanka hore ee Xarunta dowlada hoose ee ee Gaalkacyo  ee Galmudug.

Qaraxa ayaa waxaa goobjoogayaal ay sheegeen in uu ahaa Miino la geliyay fuusto qashin ah oo taallay banaanka hore Xarunta dowlada hoose, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacantay Afar qof oo laba kamid ah ay Askar tahay.

Inta la xaqiijiyay 4 qofood oo laba kamid ah yihiin Askar ka tirsan Ilaalada Guddoomiyaha Gaalkacyo ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaasi oo si deg deg ah lagu geeyay Xarun Caafimaad, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in laba qof ay dhimatay.

Ciidamada galmudug ee ku sugan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaas wallow la sheegay in ilaa iyo hadda aysan dad u qaban.

Xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo ayaa xiligii uu qaraxu ka dhacayay ka furmi lahaa shir u dhexeeyay Golaha deegaanka Magaalada oo uu shir guddoomin rabay Guddoomiye C/raxmaan Sheekh Xasan.