Wararkii ugu dambeeyay Madaxweynaha Puntland oo soo saaraya liiska musharaxiinta Aqalka Sare

GAROWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta soo saaro Liiska Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in tan iyo xalay uu kulamo gaar gaar ah waday, waxaana warar aan helnay ay tilmaamayaan in Siciid Cabdullaahi Deni uu la kulmay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, waxaana kulamadaasi lagu falanqeeyay arrimo ku aaddan Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Dowlad Goboleedka Puntland.

Wararka ayaa tilmaamaya in si gaar ah uu ula kulmay Siciid Deni Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeenka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Sidoo kale wararku waxa ay intaa ku darayaan in Deni uu Xildhibaanada ula kulmay si gobol gobol ah, waxaana si qoto dheer looga hadlay kulamadaasi liiska xubnaha u sharraxan Aqalka Sare ee laga soo doorto Puntland.

Doorashada aqalka sare oo billaw u ah doorashada soo aaddan ayaa waxaa ilaa iyo hadda i rasmi ah ay kaga dhacday jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana la sugayaa in maamulada kalena ay doorashadu ka dhacdo