Wararkii ugu dambeeyay Meydad hor leh oo laga helay dhismayaashii ku burburay Qaraxyadii Soobe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dadweyne farabadan ayaa saaka tegay Goobihii ay qaraxyada ka dhaceen ee Isgoyska Soobe, halkaas oo dad farabadan ay ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo kala kuwo wadada marayay iyo kuwo ganacsiyo kala duwan kulahaa.

Qaar kamid ah Wariyeyaasheena oo tegay goobihii qaraxyada ka dhaceen ayaa kusoo arkay meydad horleh o laga soo saarayo, dhismayaashhii ku burburay Qaraxyadii Soobe.

Qaar kamid ah dadkii Ehelladooda baadi goobayay oo tegay Goobta ayaa sheegay in shalay ilaa xalay ay fursad u waayeen inay baadi goobaan dadkii ehelkooda ahaa ee ka maqnaa, balse qaarkood meydadkooda ay ka heleen burburks dhismayaasha iyo isbitaallada qaarkood.

Ka sokow qaraxyada Soobe khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ayaa waaa sidoo kale jira burbur hantiyadeed oo aad u farabadan, waxaana ku bruburay goobo ganacsi oo waaweyn iyo mootooyin Bajaajta ah oo dhalinyaro ay ku shahqeyn jireen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tegay Goobta qaraxyada ka dhaceen ayaa sheegay in 100 Ruux ay dhinteen, balse saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in laamah amniga Soomaaliya ay soo bandhigaan tirada dadka ku dhintay qaraxyada.