Wararkii ugu dambeeyay qaban qaabada xaflada caleemo saarka madaxweynaha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta looga arimiyo dalka ee Villa Soomaaliya ka socoto qabanqabadii ugu danbeysay Ee xaflada caleema saarka Madaxweynaha 10-aad ee JFS xassan Sheekh Maxamuud.

Xafladaan oo ay kasoo qeeyb geli doonaan Wufuud ka kala socoto wadamadda Caalamka iyo madaxda gobolka ayaa dhici doonto sida la qorsheeyay 9ka bishaan oo ah maalinta khamiista ah oo fooda inagu soo heeyso.

Wufuud hor dhac ah u ah madaxda wadamada gobolka iyo safiiradda Caalamka ayaa soo gaarayay maalmahaan magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu casuumay ka qeeyb galka xafladda caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilaa iyo hada madaxda la filayo in ay yimaadan Muqdisho maanta waxaa kamid ah madaxweynaha jamuuriyadda jabuuti Ismaaciil Cumer Geelle, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr abiy Axmad, madaxweeynaha Eritrea isaias afwerki, iyo Madaxweynaha kenya Uhuru Kenyatta, wallow ay jiraan madax kale oo la filayo in kasoo qeeyb galaan xaflada caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.