Wararkii ugu dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Maqaayad ku taalla isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani.

Ruuxa la sheegay in Qaraxa fuliyay xilli dad badan oo shacab ah ay goobta fadhiyeen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan, maadama ay aheyd maqaayad ku taalla isgoys mashquul badan,

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxa, Ciidamada Ammaanka ayaa xiray Goobta, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen baaris hor dhac ah.

Ugu yaraan 13 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tiro intaas badanna waa ay ku dhaawacmeen qaraxa oo la sheegay in qof ismiidaamiyaha ah uu dhaxda ka galay dhalinyaro maqaayada ku shaaheysay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in maqaayada la qarxiyay ay ku badnaayeen dhalinyarada islamarkaana maanta oo kalane aad loogu badanyahay waana sababta keentay in khasaaraha bato.

Qaraxyada ismiidaaminta ah ay fulinayaan dad jirkooda kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa mudooyinkan kusoo kordhay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira,