Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha qaarkood ee Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyo ah ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Kaxda, xili uu marayay inta u dhexeeysa xaafaddaha Xoosh iyo Suuq Liif.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka badbaaday Taliyaha Booliska degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo ilaaladiisa, iyagoo kusoo jeeda Magaalada, kana yimid degmadooda.

Sidoo kale qaraxa ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa, waxaana halkaas ku geeriyooday laba ruux oo mid uu ahaa Darawal Mooto Bajaaj, halka saddex qof kalena ay dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray halkaas, sidoo kalena saameeyay baaritaano kale, waxaana intaas kahad ku jiray isku socodka gaadiidka, wallow markii dambe uu dib u soo laabtay.