Wararkii ugu dambeeyay shirar xasaasi ah oo ka socda Beledweyne.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka socda kulan gaar ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed si ay uga arrinsadaan muranka ka dhashay Doorashooyinka Dalka..

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa ka xaajoonaya xiisadda kasoo cusboonaatay muranka ka dhashay hab maamulka qaar kamid ah kuraasta Deegaan-Doorashadoodu tahay Magaalada Baladweyne.

Guudlaawe & Dabageed oo qudhooda dhawaan khilaaf la xiriira hab maamulka Doorashada oo ah in la daah-furo tartanka kuraasta iyo shaqsiyaad loo xiro ayay fursad u tahay in ay kawada hadlaan xal u helista qulqulatooyinka ka taagan Baladweyne.

Ilo ku dhaw kulanka ayaa sheegay in wadahadal kaddib uu soo bixi doono go’aan la xiriira hab maamulka Doorashada, qorshaha sugidda amniga iyo dejinta maleeshiyaadka hubeysan ee sheegay in ay diidan yihiniin in tartanka Doorashada la xiro.