Wararkii ugu dambeeyay Shirka Maanta ee Golaha wadatashiga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha wadatashiga oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed & Duqa Muqdisho ayaa Maanta oo Axad ah sii amba qaadi doona shirkooda, waxaana Maanta ka qeyb geli doona Xubno kamid ah Midowga musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka oo muddo 5 Cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Madaxdu ay heshiis ku gaareen, kaas oo ay Maanta ka wada doodi doonaan Midowga musharrixiinta si loo soo saaro Warmurtiyeedka Shirka.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa kulankoodii shalay uga dooday cabashooyinkii la xiriiray hufnaanta iyo daahfurnaan la’aanta doorashada iyo tallooyinkii ay u gudbiyeen Midowga murashaxinta, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka, iyada oo meesha laga saaray qodobkii Amniga ee la isku mari waayay.

Shirka Golaha Wadatashiga ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ee looga hadlaayay saxida waxyaabihii ka khalmaday doorashada iyo jaangoynta xiliga lasoo gaba-gabeeynayo doorashada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxda Golaha ay is afgarad ka gaareen Qodobada Shirka intooda badan oo ay ugu weyn tahay arrinta amniga dalka oo la sheegay in la isku raacay in lagu wareejiyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulamo Wadatashi ah la yeeshan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Ururrada Bulshada Rayidka, iyagoona ka dhageystay tallooyin ku aadan doorashooyinka dalka.