Wararkii ugu dambeeyay Shirka Madasha wadatashiga Qaranka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shalay furay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galay maalintiisii labaad, kaas oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Shirka oo shalay ka furmay Madaxtooyada ayaa Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho ka maqan uu uga qeyb galayaa Aalada (ZOOMKA), waxaana siweyn looga hadlay arrimo ay kamid yihiin, Amniga dalka & dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda iyo xal u helida Abaarta.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada loogu saarayaa saddex qoodb oo kala ah; 1-Sugidda amniga dalka, 2- Wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira 3-Iyo la dagaalanka argagixisada, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay Villa Soomaaliya.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in shirka la soo geba-gabeeyo, in kastoo waqti dheeraad ah ay Madaxdu ku darsan karaan, waxaana la filayaa inay kasoo saaraan Warmurtiyeed ay uga hadlayaan waxyaabihii ay Shirka uga hadleen iyo heshiiska ay gaareen.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, xilli qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay si weyn u dhaliilsan yihiin dowladda dhexe, gaar ahaan hab dhismiskeeda xukuumadda cusub