Wararkii ugu dambeeyay socdaalka Cali Guudlaawe ku tagayo Baladweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen laguw adaa in uu gaaro  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo xaalad kacsanaan ah ay ka tahay, taasi oo la xariirta imaanshiyihiisa.

Safarka Cali Guudlaawe ee magaalada Beledweyne ayaa hore dhowr jeer dib u dhac ugu yimid, sababo la xiriiray kacdoono looga soo horjeeday imaatinkiisa oo ka jiray magaalada.

Waddooyinka magaalada Beledweyne gaar ahaan wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta ciidamada Lamagalaay ayaa waxaa xalay xirey ciidamo isugu jira Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.

Hase yeeshee, Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Genaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo xalay shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay booqashada Madaxweynaha Hirshabelle ee magaalada Beledweyne.