Wararkii ugu dambeeyay xaalad halis ah oo ka taagan dalka Sudan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhammaan buundooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum, ayaa maanta oo sabti ah ​​la xiray ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay inay dalkaasi ka dhacaan.

Inqilaabkii militariga ee bishii hore ee uu hogaaminayay General Abdel Fattah al-Burhan ayaa dhaliyay dibadbaxyo xiriir ah oo sababay in waddooyinkamagaalada khartouum ay dad buuxdhaafiyaan.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in la soo celiyo dowlad rayid ah, sidoo kalana xabsiga laga sii daayo Ra’iisul Wasaarihii la afgambiyay Abdalla Hamdok iyo maxaabiis kale.

Dawladaha reer galbeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo soo celiyo dawlad ku meel gaadh ah oo ay shacabku hogaaminayaan.

Maraykanka, Midowga Yurub, Britain, Norway, iyo Switzerland ayaa sheegay in samaynta gole ku meel gaar ah oo cusub oo uu hoggaaminayo milatariga ay sii adkaynayso soo celinta dimuqraadiyadda.

Taliyaha ciidamada Sudan, Janaraal Cabdifatax Al-Burhan, ayaa soo saaray wareegto dastuuri ah oo lagu dhisayo gole cusub oo madax banaan oo dalkaas maamula, sida uu sheegay telefishinka Sudan.

Banaanbax looga soo horjeedo wareegtada ayaa ka dhacay magaalada Khartoum.

Janaraal Al-Burhan ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxa golaha sare iyada oo uu goobjoog ka ahaa madaxa cadaaladda Fateh al-Raxman Abdeen