Wararkii ugu dambeeyay xaalada caafimaad ee fanaan Iidle Yare

MUQDISHO-AYAAMAHA-Fanaanka ay sida weyn u taqaano Soomaalida ee Iidle yare ayaa ku xanuunsanaya dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi. Fanaanka ayaa xalay qoraal qiiro leh soo dhigay bartiisa Facebook taasoo laga dareemayo xaaladiisa caafimaad.

Iidle Yare ayaa horay u sheegag inuu qabo cudurka macaanka islamarkaana uusan soomin bisha Ramadaan isagoo taa badalkeeda dadka anfuri jiray.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo xaalada fanaanka ayaa sheegaya in hadda uu ka wanaagsanyahay sidiisii hore, waxaana xanuunkiisa ka falceliyay kumanaan qof oo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyagoo u rajeeyay caafimaad deg deg.

Iidle ayaa kamid ah fanaaniinta da’da yar oo sidoo kale sameeya majaajililada waxaana 10-kii sano ee ugu dambeysay uu ku noolaa dalka Kenya.