Wararkii ugu dambeeye ee Dagaalada ka Socda Boosaaso

MOGADISHU-AYAAMAHA-Dagaalka ayaa sida ay wararku inoo xaqiijinayaan socday muddo hal saac ah, balse markii dambe si iskiis ah isga istaagay .

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa saakay deggan kaddib dagaalkaasi xalay saqdii dhexe ka dhacay magaalada.

Ma cadda ilaa iyo iminka khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo ay dadku sheegeen in uu ahaa mid culus.

Dhinaca kale waxaa socda waan-waan ay wadaan isimada iyo waxgaradka Puntland si xiisadda iyo colaadda ka taagan Boosaaso loo Qaboojiyo.

Qaar ka mid ah odayaasha Puntland oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa dhinacyada ay dirirtu ka dhaxeyso ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan wadahadalne la galo.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Faroole oo BBC la hadlay ayaa ku baaqay in xiisada la dajiyo islamarkana la wadahadlo.

Dagaalka xalay ayaa ku soo beegmay xilli dhinacyada dagaalamaya ay horey ugu dhawaaqeen Xabad joojin.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay war ka soo saaray dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladad Puntland iyo kuwa PSF ee Boosaaso ka dhacay.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhinacyada dagaalamaya loogu baaqay in si shuruud la’aan ah dagaalka u joojiyaan.

“Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqayaa in si deg-deg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Soomaaliya.