Wararkii Ugu Dambeeye Ee Dagaalkii Ka Dhacay Balcad

BALCAD-AYAAMAHA-Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhimatay dagaal saakay waabarigii ay xubno ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe sida sarkaal ka tirsan maamulka degmada uu sheegay.

5 ruux oo dhinacyadii dagaalamay iyo dhaawaca 3 ruux oo kale ayaa ka dhashay dagaalka waxaana haatan magaaladda howlgalo ka wado ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo gurmad ahaan u tagay degmada Balcad iyo ciidanka AMISOM.

Sidoo kale waxaa magaaladda dib ugu soo laabtay ciidamo boolis ah oo magaalada ka firxaday markii dagaalku bilaawday waxa ayna hada dib ula wareegeen saldhiga booliska.

Al Shabaab ayaa ka baxay degmada Balcad ka dib markii saakay waabarigii la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee magaaladda sida xuranta degmada, taliska Booliska iyo xarumo kale sida ay dadka deegaanka i noo Xaqiijiyeen.

Weerar culus oo dhowr jiho ah ayay Al Shabaab u suurta gashay in ay la wareegeen inta badan 5-ta Xaafadood ee degmada Balcad.

“Khasaare soo gaaray dad shacab ah iyo dhinacyada dagaalamay ayaa jira balse wali tiro koob rasmi ah laguma samay” ayuu yiri sarkaal caafimaad oo diiday in magaciisa la Xuso maadaama uu ka cabsanayo aargoosi.

Ciidamada dowladda ayaa difaac ka galay buundada magaalada Balcad halkaa oo dagaal xooggiisu ka dhacay sida ay goob joogayaal inoo sheegeen.

Al Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen agab uu lahaa maamulka degmada iyo gaari nuuca raaxada ah oo uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.

Dagaalka ayaa yimid iyadoo inta badan ciidamadii dowladda ee ku sugnaa degmada Balcad ay ku sugan yihiin caasimada dalka ee Muqdisho kadib xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa madaxda u sareysa dalka.