Wararkii ugu dambeeyey Abaabul dagaal ka billaawday duleedka Laas-Caanood.

GAROOWE-AYAAMAHA-Duleedka Magaaladaas waxaa abaabul ciidan ka billaabay Saraakiil katirsan Ciidamada Millateriga iyo Booliska Somaliland kuwaas oo habeen hore baxay Magaalada Laas-Canood.

Saraakiisha ayaa la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo kale oo Somaliland kusoo kordhisay, kuwaas oo doonaya inay xoog ku galaan magaalada Laas-Caanood oo ay hadda gacanta kuhayaan Ciidamo degaanka ah oo hubeysan.

Waxaa si weyn Magaalada looga dareemayaa Abaabulka ay Somaliland waddo, isla markaana ay u diyaarsan yihiin inay iska difaacaan. Sidookale waxaa socda in dib loo furo badi goobaa ganacsiga magaalada oo u xirmay dibadbaxyadii rabashadaha watay ee horay uga dhacay magaalada Laas-caanood.

Dhanka kale Odayaasha dhaqanka magaalada Laas-Caanood ayaa Bulshada ugu baaqay inay taxadar muujiyaan, ayna joojiyaan bannaanbaxyada si dib logu fur Ganacsiga iyo Goobaha Waxbarashada.

Xaalada cakiran ee Maalamahan ka socday Magaalada Laas-caanood ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan dalka Soomaaliya, iyagoo hadal heynta ugu badan ay aheyd dagaalka dadka shacabka iyo Militariga Soomaaliland ay ku dhexmarayeen Magaalada.