Wararkii ugu dambeeyey Afgembi fashilmay oo ka dhacay Jabuuti

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka inaga soo gaaraya Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay saacado ka hor Afgembi fashilmay oo talada dalkaasi looga tuuri lahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Inkabadan 20 sano ayuu xukunka hayey Geelle,waxaana la ogaaday in Taliyeyaasha ciidamada Jabuuti qaarkood ay abaabuleen inqilaabkaasi balse laga war helay.

Sida ay cadeynayaan warar madax banaan oo lahelayo Taliyaha Ciidamada Milateriga Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim & Taliyaha Booliska Korneyl, Cabdilaahi  Faarax ayaa ciidamada Nabadsugida iyo Ilaalada Madaxtooyada la dul-dhigay, kuwaas oo ka bixi karin Gurigooda.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Saraakiishaan xabsi guriga laga dhigay qaarkood ay dhawaan kasoo laabteen meel ka baxsan Dalka Jabuuti.

22 sanno wax kabadan ayuu Ismaaciil Cumar Geelle hayaa hoggaanka dalka Jabuuti, deyn badan ayaana lagu leeyahay, wuxuuna yahay dal u qaabeysan sida Shirkad gaar ah oo ay kuwada nool yihiin Qowmiyadaha Cafar iyo Soomaali.