Wararkii ugu dambeeyey Al-Shabaab oo gubay Guryo iyo Ceelal biyoodyo ku yaalla Gobolka Hiiraan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gubeen guryo dad shacab ah deganayeen oo ku yaala deegaanka Ceel-Jiqoow oo u dhaw degmada Maxaas ee gobolkaas.

Dadka degaanka Ceel-jiqoow ayaa sheegay in marka hore ay Al-Shabaab ku amreen inay degaanka deg deg uga baxaan, sidaasina ay ku gubeen guryihii, sidoo kalena  qarax ku bur-buriyay Halkii  ceel biyood ee ku yaalay deegaanka Ceel-Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay wajahayaan xaalad adag, kadib markii guryahooda iyo ceelashii ay biyaha ka cabi jireen ay gubeen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay gubaan guryo kuyaalla Gobolka Hiiraan, sidoo kalena ay qaraxyo ku burburiyaan Ceel biyodyo, waxaana tllaabadaan ay kusoo aadeysaa xilli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay Ciidamada dowladda & kuwa Macawiisleyda ka wadaan degaano & degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgal kala duwan oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, kuwaasi oo ka dhan ah ururka Al-shabaab eek u sugan qeybo kamid ah gobolkaasi.