Wararkii ugu dambeeyey Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax kabadalka Dastuurka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Wakiilada Puntland ayaa u codeeyey wax ka bedelka Dastuurka Puntland, waxaana ay u codeeyeen in dhammaan meesha laga saaro qodobadii ka hor imaanayay qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

54 Xildhibaan ayaa ucodeeyey wax ka bedelka Dastuurka, ee ogolaanaya in golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay cod dadweyne ku imaanayaan, 4 xildhibaan ayaa diiday, halka hal mudane ka aamusay.

Baarlamanka Puntland, waxa laga hor akhriyey soojeedinta in 9-ka urur ee galay doorashooyinkii deegaanka ee tooska ahaa ay noqdaan xisbiyo, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana lagu soo doorto qof iyo cod, iyada oo dhinaca kale la kordhiyey codadka lagu waayi karo xildhibaanno oo laga dhigey 44 cod, halka uu hore u ahaa hal dheeri.

Sidoo kale, waxay mudaneyaasha isku raaceen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan oo lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah, iyadna la kordhiyey codadka lagu waayi karo xildhibaanno oo laga dhigey 44 cod, halka uu markii hore u ahaa hal dheeri.

Kulanka Baarlamaanka ayaa imanaya xilli habeen hore lagu kala kacay kulan xasaasi ah oo Saciid Deni uu la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash, si uu ugu qanciyo qorshaha furista dastuurka Puntland.

Dood adag ayaa ka taagneyd muddooyinkii dambe wax kabedel dastuurka Puntland taas oo sababtay inuu dagaal ka dhaco magaalada Garoowe.