Wararkii ugu dambeeyey ciidamada dowladda oo isaga baxay degaanka Goofgaduud

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saakay isaga baxay degaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin ay Ciidamadu isaga baxeen degaanka, waxaana la wareegay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed weli wax faah faahin ah kama bixin sababta ay uga baxeen degaanka Goofgaduud Buureey oo 30km u jira Magaalada Baydhabo, halkaas oo dhowr jeer ay weerareen Al-Shabaab.

Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii dagaal xoogan uu ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Baydhabo, halkaas oo la sheegay inay Al-Shabaab la wareegeen.