Wararkii ugu dambeeyey ciidamada Itoobiya oo ku biiray dagaalka dagaalka Al-Shabaab iyo liyuu Boolis.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Federaalka Itoobiya ayaa kasoo dhaqaqaaqay magaalada Godey ee dowlad deganka Soomaalida, kuwaas oo ku wajahan deegaanada dhaca Xaduudaha oo ay maalmihii u dambeeyey dagaalo ku dhexmarayeen ciidamada dowlad degaanka & Al-Shabaab.

Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa soo ka qeyb galay munaasabad lagu soo sagootiyay cutubyo katirsan ciidamo itoobiya ah oo kusoo wajahan xuduudda ay dalkaasi la wadaagto Somalia.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa dagaalo xoogan waxaa ay Ciidamada liyuu boolis iyo Al-Shabaab ka dhacayeen deaano kamid ah dowlad degaanka Soomaalida dhinaca xadka gobolka Bakool, waxaana Maanta dagaal kale uu ka dhacay dhinaca deaanka Feer Feer ee Gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamada liyuu booliska ay baadi goobayaan xubno al shabaab ah oo la sheegay inay ku sugnaayeen deegaanka Laas qurun Ee Gobolka Shabelle dhinaca Feer feer.