Wararkii ugu dambeeyey ciidamo xirtay wadooyinka Gaalkacyo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maalintii saddexaad waxaa xiran waddooyinka gala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen ciidamo careysan oo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan halkaasi.

Ciidamada ayaa hakiyey dhammaan dhaq-dhaqaaqa waddooyinkaasi, taas oo saameyn ku yeelatay dadka safraya iyo gaadiideyda.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in waddada ay ka xiran tahay laamiga soo aada Muqdisho iyo dhanka jidka gala Hobyo, halkaas oo ay ku xaniban yihiin gaadiid iyo dadweyne fara badan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa shir-gudoomiyey Shirka Gudiga Amniga Gobolka Mudug oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo.

Shirkan waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Iskuduwaha Wasaarada Maaliyada, Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Gaalkacyo, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Mudug iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo.

Ciidamada ayaa hakiyey dhammaan dhaq-dhaqaaqa waddooyinkaasi, taas oo saameyn ku yeelatay dadka safraya iyo gaadiideyda.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in waddada ay ka xiran tahay laamiga soo aada Muqdisho iyo dhanka jidka gala Hobyo, halkaas oo ay ku xaniban yihiin gaadiid iyo dadweyne fara badan.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo dar-dar galin lahaa Amniga Gobolka, Sidoo kalena la garab istaago Isimada, Nabadoonada iyo Senetoada, kuwaas gacanta ku haya sidii loo qaadi lahaa isbaarada Maleeshiyo ay dhigteen Agagaarka Deegaanka Xarfo.