Wararkii ugu dambeeyey dad cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday Shabeellaha dhexe

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda bini-adanimo dad ku nool Tuulooyin hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo uu ka dilaacay xanuunka shuban biyoodka.

In ku dhow 50-ruux ayaa ilaa iyo muddo saddex bil ah ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka deeganada kala Kulmis, shiidle-bari, Buurfuule iyo Diin-laawe oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Deegaanadan waxaa si daran u saameeyay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Sidoo kale, waxaa jira dad cudurka soo riday kuwaas oo la gaarsiiyay Cisbitaalka magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, halkaas oo lagu baxnaaninayo xaaladooda caafimaad.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in ay xaalado bini-adanimo oo daran oo sababtay abaartu ay ka jiraan deegaanada hoostaga degmadaas,islamarkaana ku dhowaad dad gaaraya 50-qof ay cudurka shuban biyoodka iyo cuduro kale ugu geeriyoodeen deegaanada hoostaga degmada Mahadaay.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in biyo yari ka jirta darteed ay dadka isticmaalaan biyo wasaqeysan gaar ahaan dadka ku nool jiinka wabiga, taas oo sababtay in cudurka shuban biyoodku si xoog ah ugu faafo iyo cuduro kale deegaanadaas, dadkana la geynayo xarumo caafimaadka oo deegaanka ka fog si loogu helo daryeel caafimaad.