Wararkii ugu dambeeyey dagaal maalintii afaraad ka socda Laascaanood.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xartunta gobolka Sool ayaa galay maalintii afaraad oo xiriir ah, waxaana markale uu dagaalka dib uga bilowday qaybo kamid ah gudaha magaaladaas oo ay isku hayaan ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee ku dagaalamay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka soconyo  Gooje Cadde oo Ciidamadda Soomaliland Fariisin ay ku leeyihiin isalamarkaana shan Kiiloomitir  u jira Magaalaada Laascaanood.

Xaafado ku yaala Laascaanood ayaa lagu soo warramayaa in madaafiic ay ku dhaceyso in kastoo aan la sheegin khasaare  ka dhashay balse Dadka shacabka ah ayaa intooda badan isaga barakacay Magaaladaasi.

Warar madax-banaan oo aan helnay ayaa tibaaxaya in ka badan 40 qof ay ku dhinteen dagaalka Laascaanood halka 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato.

Xaaladda Laascaanood ayaa Cakiran , waxaana sii kordhaya waxyeelada uu geysanayo dagaallada ka socdo magaaladaasi.