Wararkii ugu dambeeyey Dagaal Markale ka dhacay Magaalada Laas-Caanood

GAROOWE-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo xalay duleedka Magaalada Laas-Caanood ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad degaanka ah kuwasoo dhawaaqa rasaasta laga seexan waayey Magaalada.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka degaanka ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada Somaliland kuleeyihiin Bariga iyo Koonfurta Magaalada Laas-Caanood.

Sidookale wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah Saldhigyada la weeraray meel u dhow in uu degan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo maalmahaan ku sugan Gobolka Sool..