Wararkii ugu dambeeyey dagaal xoogan oo ka socda Laascaanood

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xalay ayaa waxaa ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka uu dagaal ku dhex maray magaalada Laascaanood, dagaalkaas oo bilaabmay abaaro sideedii iyo dheeraad fiidnimo ayaa wararku sheegayaan inuu socday qiyaastii laba saacadoo wax ku dhaw.

Dagaalka oo billowday abaare sideeda habeenimo ayaa waxaa barbar socotay duqeyn xoogan, gaar ahaan madaafiic lagu garaacay gudaha magaaladaasi.

Kooxaha gurmadka deg-dega ah ayaa sheegay in dad kooban ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah, maadaama xilliyada habeenkii ah markii ay kala qabowdo xabadda ay kasoo adeegan jireen dukaamada.

Ilaa haatan ma jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas. Labada dhinac midkoodna wax war ah kama soo saarin.

Waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee ay labada dhinac gorrodda is daraan goor habeenimo ah tan iyo markii dagaalku halkaa ka bilaabmay muddo haatan sagaal maalmood ah.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa haatan dagan.

Fiidadkii ayay dadka waxey ka qaadan jireen goobaha ganacsiga wixii ay quudan lahaayeen, iyadoo dagaalkii xalay taasi uu hor istaagay