Wararkii ugu dambeeyey dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda ee la geeyay Turkiga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga la geeyay Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mocalimuu oo ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo Maalin ka hor lagula beegsaday Gaari uu watay Magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkey, Ambassador Jaamac Ceydiid, Wariyeyaal iyo Xubno kale ayaa kuaoo dhawaeeyay Dhaawaca Mocalimuu ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkey, Ambassador Jaamac Ceydiid ayaa sheegay in dhaawaca Mocalimuu la dhigay Isbitaal Weyn oo dowladda Turkiga leedahay, halkaas oo uu ka Shaqeeyo Walaalkiis ka yar iyo dhaqaatiir kale oo waaweyn.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dhaawaca Mocalimu uu la socday darawalkiisa oo isagana dhaawac qaba balse la kala geeyay laba Isbitaal, wuxuuna xaqiijiyay in xaaladda Caafimaad ee Mocalimuu ay tahay mid aad u wanaagsan.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa dhowr jeer ka bad baaday qaraxyo lagu weeraray Goobo uu ku sugnaa balse qaraxaan uu ka duwanaa kuwii hore maadaama isaga sitoos ah loola beegsaday.