Wararkii ugu dambeeyey dil ka dhacay Beledweyne.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xaafada Xaawo-taako ee Magaalada baladweyne ayaa kooxa hubeysan waxaa ay xalay ku dileen Nabadoon Cali dheere oo kamid ahaa Waxgaradka ugu Miisaanka Culus Magaalada baladweyne .

Nabadoonka ayaa la dilay xilli la sheegay in uu kusii jeeday xaafaddiisa markii laga soo baxay Saaladda Cishaha.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halkaasi gaaray laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya oo bilaabay baaritaano.

Waa dilkii labaad oo labo isbuuc gudahood ka dhaca Magaalada waxaana faraha kanbaxay amaanka Magaalada Baladweyne oo Maalamahii ugu dambeeyay ahaa mid aad u liita.