Wararkii ugu dambeeyey dil ka dhacay Magaalada Jowhar.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka HirShabeelle ayaa waxaa uu sheegayaa in nin hubeysan oo la sheegay in uu ku labisnaa dareeska Cuiddamada Dowladda uu Wiil yar oo 14-jir ahaa ku dilay bartamaha Magaaladas.

Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundow ayaa goobjoogayaal sheegeen in sababta loo dilay Wiilka yar ay aheyd in laga dhaco Mobile uu watay, iyada oo uu baxsaday Ninka dilka geystay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Ciidammo uu wato ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan Ninka dilka geystay.

Wiilka Yar ee lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh laguna dilay Magaalada Jowhar ayaa kamid ahaa ardayda wax kabarata dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane, waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso Jowhar.

Allaha u Naxariisto.