Wararkii ugu dambeeyey Diyaarad kusoo dhacday garoonka Aadan-Cadde.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Diyaarad ay leedahay shirkada Hala Airlines ayaa goordhow ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, diyaaradan ayaa waday rakaab ay ka soo qaaday Garowe.

Waxaa jira khasaaro dhaawac ah oo kasoo gaaray dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa iyo burbur soo gaaray diyaaradda, sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Diyaaradda ayaa xawaaraheeda dhaaftay markii ay cagadhigatay Runwayga garoonka diyaaraddaha.

Gurmad ayaa loo fidiyay qaar kamid ah dadkii saarnaa diyaaradda ee ku dhaawacmay, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada kuyaalla Magaalada muqdisho si loogu daawaayo.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradan shilka ku gashay garoonka aysan la socon Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka soo ambabaxay Garowe.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday shir wadatashi oo looga hadlayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.