Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada golaha aqalka sare, gaar ahaan xubnaha sideeda kursi ee ka imaanaya dhanka maamulkaasi, laguna dooranayo Jowhar.

Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle.

Ciidanka booliska ayaa ayaa howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka ka wadda xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ka dib markii dhawaan lagu dhaawacay qarax bamboo ah xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle ayaa wada diiwaan-gelinta Musharaxiinta dooneysa inay kamid noqdaan Senatorada Aqalka Sare.

Guddiga ayaa khamiistii lasoo dhaafay diiwaan-geliyay Musharaxiin dhowr ah, iyagoona siiyay shahaadada Musharaxtinimo, waxaana xubnaha la diiwaan-geliyay kamid ah Senatar Muuse Suudi, Cismaan Maxamuud Maxamed Dufte iyo Musharaxiin kale.

Berri oo Axad ah ayaa qorshuhu yahay inay hadal jeedin sameeyaan xubnaha musharixiinta ah ee is-diiwaan-geliyey, kadibna waxaa la guda-geli doonaa qabashada doorashada, si loo soo xulo Senatarada ka imaanaya Jowhar.

Doorashada Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalmaha soo socda, waxaana Jowhar laga dareemayaa diyaar garoow ballaan oo ku aadan doorashada, iyada oo ay socdaan kulamo siyaasadeed.