Wararkii ugu dambeeyey doorashadda HirShabeelle oo billaabatay

Doorashada Aqalka Sare ee HirShabeelle

MUQDISHO-AYAAMAHA-Doorashada xubnaha Aqalka Sare ku metelaya dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa saaka ka bilaabanaysa magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Hoolka lagu wado in ay la dhacdo doorashada Aqalka Sare ee maamulka Hirshabelle ayaa waxaa soo gaaray qaar kamid ah xildhibanaada codeynaya.

Sidookale ergooyin ka kala socda Musharraxiinta ayaana banaanka Hall-ka xildhibaannada kula kulmaya si ay uga dhaa dhiciyaan in ay u coddeeyaan musharrax ay wataan.

Doorashada Hirshabelle waa mida ugu xiisaha badan ee ka dhacda taas oo ka duwan maamul goboleedyada ee dalka, waana mid ka dhigeysa in qof walba uu tashto jeebkiisa.

Lasoco goordhow.