Wararkii ugu dambeeyey doorasho adag oo maanta ka dhacaysa Jowhar

JOWHAR-AYAAMAHA-Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa shahaadadii Murashaxnimo waxa uu gudoonsiiyay lix murashax oo mid ka mid ah ay tahay dumar oo ku tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#106 ee deegaan doorashadiisuna tahay magaalada Jowhar.

Kursigan oo ka mid ah kuraasta ku harsan HirShabelle ayaa waxaa isku diiwaan-geliyey illaa 6 musharrax oo shahaadada ka qaatay guddiga doorashada ee SEIT.

1 Osman Mohamed Mohamud ( Xaadoole)

2 Shadoor Haji Mohamud

3 Fowziya Sheikh Ali Mohamud

4 Bashiir Mohamed Yusuf

5 Yusuf Abdi Abdulle

6 iyo Yaxye Abuukar Aden.

Doorashada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ka bilaabato magaalada Jowhar, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.