Wararkii ugu dambeeyey doorasho manta ka dhacays Jowhar.

MUQDISHO-AYAMAHA-Guddiga Maamulka Doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in Magaalada Jowhar ay ku qabtaan doorashada mid ka mid ah kuraas saddex ah oo shalay qorshuhu ahaa in halkaas lagu doorto.

Guddiga ayaa hore u shaaciyay qabadashada doorashada Saddex kursi oo kala ah HOP#024, HOP#106 iyo HOP#140, balse Guddiga ayaa awoodi kari waayay in shalay doorashadada kuraastaas ay qabtaan, kadib markii xiisad iskugu jirtay buuq iyo gacan ka hadal ay ka dhalatay doorashadooda.

Kursiga kaliya ee maanta doorashadiisa lagu qabanayo Magaalada Jowhar ayaa ah kursiga HOP#140 kaas oo uu ku fadhiyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali kaas oo markale u taagan in uu ku tartamo doorashada kursigaan.

Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa shahaadada musharaxnimo ee Kursiga HOP#140 guddoonsiiyay musharixiinta kala ah:

1-Cabduqaadir Cosoble Cali

2-Cabdikariin Cilmi Tifoow.

Dhinaca kale, kursiga HOP#106, waxaa wali ka taagan is qab qabsi la xiriira Guddiga soo xulaya ergada, waxaana kursigaan uu qeyb ka yahay saddex kursi oo shalay lagu dooran lahaa Magaalada Jowhar, balse muran ka dhashay dib loo dhigay.

Waxaa socdo dadaalo xal looga gaarayo khilaafka ka taagan doorashada kursigaan ee HOP#106.inkastoo aan la ogeyn in xal laga gaari doono iyo inkale.