Wararkii ugu dambeeyey ee caawa xaalada Magaalada Laascaanood.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararkii ugu dambeeyey ee caawa naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xaalada ay maqribkii kadib noqotay mid xabadu istaagtay.

Waxaa adag in la helo xog faah faahsan khasaaraha ka dhashay dagaalka maalintii labaad ka dhacay Laascaanood,kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac geystay.

Madaafiic ayaa waxay ku habsadeen cusbitaalka oo la dhigay dadka dhaawacyada ahaa iyo guryo rayidku degganaayeen Laascaanood.

Qof goob jooge ah oo kusugan caawa laascaanood ayaa ku waramay in ciidanka dagaalamay ay weli is horfadhiyaan islamarkaana gabalka uu dhacay habeen awgiisna dagaalka iskiis u istaaga.

Suurta galnimada dagaal dib uqarxa waaberiga ayaa ah mid cabsideeda ay taagan tahay waxaana isimada dhaqanka iyo haweenku ay isgarabtaag toos ah usameeyeen ciidanka SSC ee la dagaalamaya kuwa Soomaaliland.

Idaacada VOA-da laanteeda afka soomaaliga ayaa caawa tebisey in ay gurmadyo kala helayaan dhinacyada gabalka udhacay ee maalintii labaad dagaalamay,taas oo dhiilo colaadeed weli ku jirto Laascaanood.

Agaasimaha Cusbitaalka Laascaanood Axmed Maxamed Xasan ayaa sheegay in dhaawacyo badan ay qaabileen balse uu sheegay in ay adag tahay gurmad ku filan in la gaarsiiyo dadka colaada jirta.

Caawa xabad ma dhaceyso waxaana gabalka uu dhacay iyadoo dhinacyadu is horfadhiyeen oo galab gaabkii dagaalka soo gaaray iyadoo xoogga dagaalka uu ka dhacay agagaarka Buurta sayidka ee duleedka Laascaanood ah.