Wararkii ugu dambeeyey gaari ku qarxay meel udhaw Madaxtooyada Jowhar

JOWHAR-AYAAMAHA-Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle, kaas oo siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Weerarkaasi qarax ayaa ka dhacay halka loo yaqaano 7-da geed oo ah busteejada baabuurta laga raaco aada Muqdisho,waxaana ka hor qaraxa gaariga meesha iskaga cararay dadkii kusugnaa markii laga shakiyey gaarigaasi.

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxa, waxaana Ciidamada Ammaanka ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ilo wareed ayaa sheegaya in meesha qaraxa uu ka dhacay ay aad ugu dhawdahay xarunta madaxtooyada hirshabelle ee magaalada jowhar,waxaana meesha qaraxa ka dhacay sidaan oo kale 17-kii bishii July labo todobaad ka hor ismiidaamin lagu weeraray hoteelka nuur doob oo dhimasho iyo dhaawac sababay,al shabaab ayaana sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi hore udhacay.

Weli sirasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxana goobta ku sugan oo howlo baaritaano ah ka wada Ciidamada Amniga, kuwaas oo dadka u diidaya inay goobta u dbawaadaan.