Wararkii ugu dambeeyey Gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Malaysia

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warbaahinta qaar ee Malaysia ayaa qortay in haweeney Soomaaliyeed la dilay kadib gacan ka hadal dhexmaray labo shaqaale ajnabi ah oo ka shaqeynayey maqaayad Carabi ah oo ku taal Ampang, Selangor ee dalka Malaysia.

Faah-faahin dheeeri ah ayaa ka soo baxaysa dil Axaddii dalka Malaysiya loogu gaystay Allaha u naxariistee gabar Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar,

Waxaana soo baxaya warar kala duwan oo qaarkood sheegaya in nin u dhshay dalka Ciraaq oo qaxooti ku ah dalka Malaysiya oo ay gabadha meel ka wada shaqeynayeen uu dilka gaystay.

Balse mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysiya ayaa iyaguna sheegaya in booliska dalkaas oo kiiskaan gacanta ku haya aysan bixin xog badan marka laga reebo inay u sheegeen in la qabtay ninka dilka gaystay oo uu xiran yahay isla markaana ay wadaan baaritaanno lagu oggaanayo sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen.

Taliyaha booliiska degmada Ampang Jaya Farouk Eshak ayaa sheegay in ninkan 25-jirka ah ay kasoo qabyteen magaalada Ampang Putra dhowr saacadood mark uu dilka geysatay ka dib isagoo baxsad ah.

Booliska ayaa baaraya sababta kadanmbeysa dilkan uu nin u dhasahay dalka Ciraaq u geystay gabadhan Soomaalida ah.

Xogaha kale ee aan helayno waxay sheegayeen yarkii gabadha dilay inuu xiriir ka dalbaday isla markaana uu guursanayo balse ay ka diiday markaana uu dilay oo mindi ku dhuftay

Gabadhan la dilay oo 28 jir ah ayaa waxa ay la nooleed qoyska tuhmanaha muddo sagaal sano ah.

Maydka Dahabo Cumar ayaa hadda yaalla Cusbitaal ay dowladdu leedahay waxaana madaxda safaaraddu ay xaqiijiyeen in aan la aasi doonin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo baaritaannada ay wadaan boolisku. “Xog ku filan marka ay naga siiyaan ayaa aaska marxuumadda laga howlgalayaa,” ayay tiri qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysiya.