Wararkii ugu dambeeyey Guddoomiyihii Degmada Marka oo qarax lagu dilay

BAYDHABO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax goordow halkaasi ka dhacay lagu dilay Guddoomiyihii degmadaas Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow.

Qaraxa oo siweyn looga maqlay Xaafadaha Magaalada Marka ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid ismiidaamin ah, waxaana sidoo kale jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxa.

Mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Maamulka koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qariii ismiidaaminta ahaa ee Maanta lagu dilay Guddoomiyihii Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow.

Wasiirka amniga gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuum Gudoomiye Cabdullahi waafow Gudoomiyihii Degmada Marka ee gobolka shabeellaha hoose oo maanta qarax ismiidaamin ah lagu diley, wasiirka ayaa Ilaahey uga baryey inuu naxriistiisa Janno ka waraabiyo.
Aamin Aamin.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ( Najax) ayaa sheegay in uu murgada la qeybsanayo Shacabka Degmada marka oo maanta ka baxay nin qiima badan Illaahey ha u naxriisto Gudomiye Waafow