Wararkii ugu dambeeyey khasaaro ka dhashay Madaafiic xalay lagu weerary Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xalay abbaara 2:00 habeenimo ayaa xaafado kala duwan ee katirsan Muqdisho waxaa ku dhacay tiro hoobiyaal ah kuwaas oo geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illaa toddoba madfac ayaa ku dhacay guryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in madaafiicda ay geysteen khasaaro dhimasho & dhaawac ah, iyada oo  laamaha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degga ah ee magaalada Muqdisho, wax faahfaahin ah bixinin weerarkaan iyo khasaaraha ka dhashay.

Madaafiicdan la tuuray ayaa ku soo beegmaysa iyada oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo bilaabmay saacaddu markay ahayd 10:00-kii habeenimo, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo in Khamiista Maanta ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qayb gelayaan madax sar-sare oo ka imanaysa dalal kala geddisan.

Waa weerarkii ugu horreysay ee dowladda Xasan Sheekh ay lagu qaado, waxaana loo arkaa in bilowga dowladda Xasan Sheekh ay wajahayso dagaal toos ah oo ay la galayso dhinacyo badan oo ay kamid yihiin Al-shabaab iyo Mucaaradka dowladda cusub oo ay ugu horreeyaan Nabad iyo Nolol oo weli ka saameynbadan dowladda cusub.