Wararkii ugu dambeeyey khasaaro xoog le oo ka dhashay Dabkii ka kacay Suuqa Jig jiga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Bulshada Soomaali galbeed maanta waa ay u tahay maalin murugo kadib markii xalay ka dhacay Dab xooggan suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga ayaa weli la xakameeynin in kastoo aan weli lagu guulaysan demintiisa.

Dabka oo si xawli ah uga holcaya  suuqa Taywaan ayaa laga xakameeyay in uu ku faafo suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee ku xeeran suuqa gubanaya.

Suuqa ayaa gabi ahaanba baaba’ay waxaana ka dhashay khasaaro xoog leh oo waxii suuqa yaalay oo hanti ahaa ayaa ku gubtay. dowlad deegaanka, ciidamada iyo bulshada oo la isugu tagay ayaa la xamayn waayey.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Dabka suuqa weynaha Taywan qabsaday oo weli lala tacaalayo ayaa sii fidiya, ilaa boqol meheradood oo gada badeecado kala duwan ayaa lagu soo warraayaa in ay basbeeleen, iyada oo lagana cabsi qabo in dabku ku fido xaafadaha suuqa la deriska ah.

Sikastaba reer jigjiga maanta waxaa ay u tahay maalin murugo, suuqii magaalada ayaa gebi ahaanba baaba’ay saaka waxaa la arkayay dadka banaanka suuqa gubtay ku ooyeeya waxaana ka gubtay ganacsigii ay suuqa ku lahaayeen.