Wararkii ugu dambeeyey ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar hada soo dhacay ayaa tilmaamaya in dib u dhac uu ku yimid ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, kuwaasi oo la filayay in caawa lagu dhawaaqo, sida ay sheegayaan wararka ay heshay idaacadda Kulmiye.

Warar ayaa sheegaya in sababta dib u dhaca ugu yimid ku dhawaaqista ay tahay kadib markii dood adag ay ka dhalatay qofka loo magacaabayo ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee Soomaaliya.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliland ayaa dood ka keenay liis la sheegay inuu ku qornaa, islamarkaana maanta ay u badneed in uu ku soo baxo xildhibaan Biixi Iimaan Cige.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa markale yeeshay kulan dheer oo saacado badan qaatay, taasina ay keentay in dib loo dhigo ku dhawaaqista golaha wasiirada, islamarkaana xal laga gaaro tabashada iyo muranka ka taagan cida noqonaysa R/wasaare ku xigeenka cusub ee xukuumadda Soomaaliya oo saamj qeybsi ahaa iska leh xubnaha reer waqooyi.