Wararkii ugu dambeeyey Magaalada Baraawe oo maanta Madaafic lagu weeraray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka aan ka heleyno Magaalada  Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in goordhow Magaaladaas laga maqlay jugta tirro hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacay qeybo kamid ah Magaaladaas.

Wararku waxaa ay  sheegayaan in la maqlay jugta ilaa saddex madfac oo laba kamid ah ay ku dhaceen agagaarka Xarunta Madaxtooyada Baraawe oo ay ka socoto doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka.

Jugta Ilaa saddex hoobiye ayaa laga malqay Baraawe oo laba kamid ah ay ku dhaceen xaafadda Dayax ee ku taalla dhabarka dambe ee Xarunta Madaxtooyada Baraawe oo ay ka soocto doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad

Xaafad lagu magacaabo Dayax ayaa la sheegay inay ku dhacday madaaficda waxaana ku dhaawacmay Hooyo iyo Gabar ay dhashay, waxaana si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, si looga dabiibo waxyeelada kasoo gaartay hoobiyeyaasha.

Sidoo kale hal hoobiye kale ayaa ku dhacay xeebta Magaalada Baraawe, waxaana Madaafiicda, kadib la maqlay rasaas ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan ee Magaaladaas.

Laamaha amniga Magaalada ayaa waxay bilaabeen howlgalo lagu xaqiijinayo amniga Baraawe oo ay ka socoto doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka, iyadoona halkaas ay ku sugan yihiin Musharaxiin farabadan.

Waa Magaaladii ugu horreysay ee Madaafic lagu weeraro tan iyo markii ay bilaabatay doorashada ka socota dalka ee 2021-2022