Wararkii ugu dambeeyey Nabadoon lagu dilay magaalada Muqdisho

MUQDISHOAYAAMAHAWaaxda Horseed ee degmada Xamar-jajab  ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa lagu dilay  Nabaddoon Faqay Cabdulle Mayoow, Kooxo ku hubeysan oo Bustoolado ayaa dilka ka dambeysay.

Nabaddoon Faqay Cabdulle ayaa mar soo noqday guddoomiye ku xigeenka maaliyada degmada Awdhiigle.

Laamaha Amniga Muqdisho ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka, kadibna sameeyay howlgal xoogan wallow aysan jirin cid weli loo qabtay dilkaas.

Goobta Nabadoonka lagu dilay ayaa kamid aheyd meelaha ugu amniga badan Magaalada Muqdisho.