Wararkii ugu dambeeyey Qarax ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa laga maqlay qarax kaas oo ka dhacay Isgoyska Via-roma ee magaalada muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Qaraxaan oo ahaa mid lagu xiray Gaari nooca raaxad ah oo yaalla agagaarka Isgoyska Via-roma, sidaasina uu ku qarxay, balse uusan saarneyn darawalkii Gaariga.

Haweeney bajaaj saarneyd ayaa la sheegay in qaraxa ay ku dhaawacantay, waxaana goobta qaraxa ka dhacay tegay Ciidamo katirsan kuwa dowladda, kuwaas oo muddo hakad geliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fureen.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinka waxaa uu ahaa mid aad u liita, iyadoo dilal badan ka dhacayeen caasimada, inkastoo ciidamada dowladda ay wadaan howlgalo.