Wararkii ugu dambeeyey qarax  ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaraxa oo dhawaaq weyn lahaa ayaa laga maqlay xaafadaha boondheere iyo degmooyinka deriska la ah,iyadoo muddo kooban goobta ay wax ka dhaceen ay xaaladu kacsaneyd.

Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa miino lagu  xiray gaari nooca Soomaalida u taqaano Saruf oo yaallay meel ku dhow Masaajidka Al-raxma ee wadada Jeneraal Daa’uud, isla markaana mar qura qarxay.

Gaari ay leeyihiin ciidamada amniga gaar ahaan kuwa nabad sugida ee loo yaqaano ilaalada shacabka ayaana qarax lagu xiray uu ahaa.

Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay qaraxa oo gaaray dad shacab ah oo goobta marayey, waxaana durbo halkaas tegay gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir oo demiyay dab ka kacay gaariga qarxay.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa tagay ciidamo katirsan dowladda, isla markaana dadweynaha iyo gaadiidka u diidaya inay maraan wadada.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe sii xumaanaayey, waxaana dhacay qaraxyo iyo dilal.