Wararkii ugu dambeeyey Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Saldhiga Ciidamada Booliska ku leeyihiin Xaafada howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino lagu dhajiyey gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo yaallay gudaha saldhigga.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan 2 askari, iyada oo uu burbur xoogan soo gaaray baabuurka qaraxa lagu dhajiyey, sida aan xogta ku helnay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Beledweyne ilaa hadda wax war ah kama soo saarin qaraxa lagu xiray Gaari ay leeyihiin, hayeeshee ay sheegeen inay dib ka faah faahin doonaan.

Ciidamada Booliska Beledweyne ayaa qaraxa kadib howlgallo ka sameeyay Aaga Saldhiga ay ku leeyihiin Xaafada howlwadaag in  kastoo aysan jirin dad lagu soo qabtay howlgalladaas.

Xaaladdda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku socda dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo sidoo kale ganacsiga, sida ay soo warrinayaan wararka laga helayo halkaasi.

Magaalada Beledweyne ayaa Bishii hore waxaa ka dhacay laba qarax oo Ismiidaamin ahaa, kuwaas oo lagu dilay Saraakiil Ciidan, mas’uuliyiin katirsanaa Maamulka Hir-Shabeelle, Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo dad Shacab ahaa oo lagu qiyaasay ku dhowaad 100 qof.