Wararkii ugu dambeeyey qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhow ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kadibna isku qarxiyey goob ay fadhiyaan fad farabadan, sidda ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka.

Maqaayad lagu magacaano Baar Xasan dhiif oo ku yaala Darbiga dambe Xarunta gobolka Hiiraan oo ah goob ama maqaayad aad u shidan oo u dhaxeysa webiga iyo xaruunta Gobolka.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa jira , waxaana wararka ay sheegayaan in ay dhinteen in ka badan 10 qof.

Magalaada Beledweyne ayaa dhowaanahan waxay ka nasatay qaraxyada noocaan ah, iyadoo sidaan OO kale qaraxyo ugu dhici jireen magaalada.

Sawirada dadkii qaraxa ku dhintay.