Wararkii ugu dambeeyey qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xaafada Ceelqalaw oo katirsan degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir ayaa caawa waxaa ka dhacag qarax jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaasoo oo ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino la dhigay Gooob ay ku sugnaayeen dad u badan Dhalinyaro ay ku dhinten ka ka badan 7 Ruux 5 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa goobta tagay ciidamada katirsan dowladda oo qaaday dhimashada iyo dhaawacyadii ka dhashay qaraxa.

Ciidamada ayaa xiray isku socodka dadka iyo Gaadiidka halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana weli la ogeyn cidda lala beegsaday, hayeeshee dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay yihiin dad Shacab ah.

Laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin qaraxaas, hayeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin guud ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay.

Qaraxan ayaa qaraxyada kale waxuu uu uga duwan waxaa uu ka dhacay goob dhalinyaro oo xaafad ah, waxaana ku dhibtay isla dhalanyaradii, lamana oga sababta qaraxa loola beegsaday qaraxan.