Wararkii ugu dambeeyey qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qarax Miino Maanta ka dhacay inta u dhexeeysa isgoyska Tarabuunka iyo wadada ka timaada dhinaca isbitaalka Masaarida ayaa waxaa uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah degmada Hodan.

Qaraxa oo ahaa miino la dhigay wadada hareerteeda ayaa goobjoogayaal sheegeen in lala beegsaday Gaari Ciidan balse uu ka badbaaday, hayeeshee waxaa ku dhintay laba Ruux oo Shacab ah, mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo wadada marayay.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka labada Ruux iyo dhaawaca qofka kale, waxaana muddo saacad ku dhow oo wadada ay xireen kadib ay dib u fureen.

Qaraxyada miinada wadada hareeraheeda la dhigo iyo kuwa dhulka lagu Aaso ayaa aad ugu badan Magaalada Muqdisho, waxaana dhowr jeer lagu dilay mas’uuliyiin iyo Saraakiil katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.